Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

QisooyinkaJacaylka ahQisooyinka Jacaylka ah
Hooyga Heesaha | Taariikhdeyda | Bogga Sawiradda | Quraanka iyo Muxaadarooyinka | Qisooyinka Jacaylka ah | Wararka iyo Somali links | Bogga Martidda | Chat | Sheekooyinka iyo Geeraaradda | Sawirada Madaxweynayaasha soomaliya | Bogga ila Qosol | Bogga fariimaha | Heeso kale | Photo3 Page | Photo4 Page | Photo5 Page | Photo6 Page | Shopping Page Page | Slide Show Page | Photoalbum

Camale: waxa uu ku dhashay tuulada QAW qaw, waa magaalo yar ama tuulo yar oo u dhexaysa magaalada boosaaso iyo magaalada ceelaayo, waxaa laga yaabaa in wax badan oo akhristayaasha kamida iswaydiiso magaalada qaw, oo sida igu maqaale ah aan wakhtiga xaadirka ah ladegin ama laga daldoorsaday WAR BIXIN KU SAABSAN TAARIIKH NOLOLEEDKII CAMALE: Camale isagoo yar ayaa reerkoodu reer guuraa noqday,camale baadiyaa waxa uu ku gaadhay da,da 14sano, isagoo kuray ah ayaa waxa uu keeni jiray caanateel tuulada Jiidali, Camale maalin maalmaa kamida ayaa waxa uusoo raacay geeljire caanateel ah oo kusocda magaalada Ceergaabo,Markaas halkaas waxay isku arkeen wiilal ay ilmaabti yihiin mudo markuu joogay Camale waxa uu jeclaaday inuu joogo magaalada oo aanu kunoqon baadiyii,waxa sidoo kale Camale ku dhalatay inuu wax barto isagoo ku dayanaya wiilsha ay ilmaabtiga yihiin,Camale waxa uu dhiiri gelin ka helay eedadii oo kula talisay inuu wax barto. Halkaa ayaa camale wax barashadii kabilaabay fasalka 1aad isagoo da,diisu tahay 14jir Camale waxaa uu ahaa nin aad u firfircoon had iyo jeerna jecel inuu waxbarto, Sidoo kale camale waxa uu ahaa nin aad u shekeeya oo aad loo jecelyahay, sheeko xariirnimo iyo aftahannimo ayaa hibo loosiiyay. Macalinmiintiisuna aadbay u jeclaayeen had iyo jeerna way caawimi jireen. Markii uu dhamaystay wax barashadii dugsiga sare ayaa waxa ay qabteen xaflad xafladaas uu qaban qaabiye kahaa camale,waxa uu kaciyaaray door aad u muhiima xaga ciyaaraa iyo fanka iyo dhinaca maada iyo madadaalada. Camale oo ahaa nin xirfad u leh dhinaca maada iyo sheeko xariirnimada ayaa aad dadwaynihii iyo daawadayaashii xafladu ugu riyaaqeen sida quruxda badan uu isugu duba riday xaflada. Yasmin oo ahayd Camale macalimadiisa ayaa aad ugu hanbalyaysay oo ismarkaana ugu balanqaaday abaalmarin inaysiiso. Yasmin waxay camale ku balamisay inay hadiyad iyo abaalmarin ku gudoonsiiso meel jirdiino ah oo magaalada ka baxsan. Camale oo aad u feejigan oo had iyo jeerna shucuurta dareenkiisu kacsantahay ayaa waxa uu sii tegey meeshii balanka saacad kahor mudo kolba isagoo jaleecaya meeshuu fadhiyo oo ilaahay qurux dabeeci ah siiyey. Wax yar kadib ayaa Yasmin dhinaca bari kasoo muuqatay, iyadoo aad u lebisan oo qurux iyo soo jiidasho ilaahay siiyey markay lebisatayna waxayba u eekaatay shamis arooryaad <>. <> OSMAN User ID: 8464923 May 5th 11:26 AMKULANKII JACAYLKA!!! Yasmin:waxay tiri Camale ii waran makeligaabaa? Camale: waxaa uu yiri waa keligay oo waxaan iska dareemayey in anaan cidi kusoo raaci doonin sidaa awgeed ayaan uga maarmay in anigana cidi isoo raacdo Yasmin: aad bay uqoshay waxayna tiri waxaan umalayn waxaad sugtaaba waa wixii balantu ahayd iyo abaalmarintii!! Camale: intuu dhoola cadeeyay ayuu waxa uu yiri haa waa runtaa si xushmadi kujirto. Kadib markii haladalo kaftana lays dhaafsaday ayaa yasmin waxay tidhi abaal marin intee leeg ayaad iga filaysaa? Camale:waxa uu ku jawaabay faalo kama bixin karo waayo xitaa waxay noqon kartaa waano iyo dhiiri gelin taasoo xagayga ka ah wax aad u qiimo badan uu kusiiyo qof jecel wanaagaaga iyo horumarkaaga Yasmin oo lagu yiqiin hadal cad oo aanay waxay doonayso ama jamato aan qarin, Yasmin: waxay tidhi hadaan kuu sheego waxaan maanta kuu balamiyey waxayd ahayd inaad iga hanato sidaan kuu sheegay abaalmarin,abaal marin taasoo ah abaalmarin aad u qiimo badan xagayga oo lasiiyo qof u qalma ama kasbada waana kalgacal Yasmin: oo xishood daraadii wejigeedii bedelmay ayaa waxay tidhi miyaad ila yaabi hadaan ku iraahdo waan kujeclahay!!!? Camale waxay ku noqotay wax kedis ah oo go,aan qaadasheedu ama jawaab bixinteedu adag tahay isagoo ka gaabsanaya inuu jawaab degdega dhiibo. Yasmin marlabaad waxay tidhi kama aan helin oo keliya kaalintii fiicnayd aad ka qaadatay xafladii balse waxaa i deeqday shaqsiyadaada wanaagsan, waxaana u malaynayaa inaadan ila yaabin oo jacalyku waa wax da,weyn oo ilaa xaawo iyo aadam soo jiray ma aha waxaan iminka bilaabayo. Camale:waa uu u dansheegtay yasmin oo waxa uu yidhi hadaan isaga kaa xog waramo reerkayagu waa reer guuraa (reer baadiye) sidaa darteed umalayn maayo inaan xilingan xaadirka ah wax kula qaban karomaaqaanse anigoo ku xisaabtama mustaqbalka fog oo aan lasaadaalinkarin wax dhici doona. Yasmin waxay tdhi maaha jacalayku maaha jacalaylku waan kaa helay oo keliya balse waxaan kuu balanqaadayaa in marxalad kastoo jirta aan kugu xisaabtami doono. Waa qaybtii labaad ee sheekada: OSMAN OO IDIN LEH ISMA DHEEFNO OSMAN User ID: 8464923 May 5th 11:39 AMKADIB MARKII YASMIN LASIIYEY ODAY: Mudo shan bilooda markii xidhiidh camale iyo yasmin socday ayaa yasmin aabeheed siiyay oday ah odayaashii kaiman jiray wadama khaliijka oo loo yiqiin (janaale) Yasmin kadib kadib marki aabeheed u sheegay inuu nin siiyey aad bay uga xumaatay. yasmin camale ayay u sheegtay in aabeheed ninkaas siiyey waxayna kutidhi camale sidaan horay kuugu sheegay waxaan mar 2aad kuu balanqaadayaa wax kastoo dhaca inaanan nin kale ku dhaafsanayn. camale waxaa uu ugu jawaabay yasmin inay maalin dhacayso inagoo nolosha wada qaybsana oo meel kasoo wada toosayna mana aha riyo laakiin kalsoonida aan kugu qabo awgeed waa wax dhici doona,waayo jacaylkii wadajir loo wadaa waa kii midha dhalaa cawaaqib fiicana buu yeeshaa waxa uuna u sheegay camale yasmin inuu sidoo kale jacayl la il daran yahay oo aanu dhaafsiisanayn qof kale. Kadib balankaas markii lawada galay yasmin aabeheed ninkuu siiyey way diiday waxayna aabeheed u sheegtay inay tahay gabadh yar odayna aanay doonayn Yasmin aabeheed waxa uu ku yidhi duco qaado ama habaar!! Yasmin si xushmad leh iyadoo ula hadlaysa aabeheed ayey waxay tidhi Aabow kala dooro mustaqbalkayga ama dheefta ama lacagta yar aad yarad u helayso?..... Yasmin halkaas ayay kaga badbaaday afduubkii aabeheed uu doonayey inuu siiyo oday da,diisa ah. Muda kadib ayaa yasmin aabeheed wadanka Emaradka carabta u dhoofiyey waxayna camalle iyo yasmin ku kala tageen balan adag. MARKII LUGTU KA GO,DAY YASMIN YASMIN: Qadar eebe weeyee maalin iyadoo laami wayn ama (high way) goynaysa yasmin ayaa waxay gashay shil baabuur kadibna waxaa ka go,day lug kadib shilkaa naxdinta leh ayaa yasmin waxay aamintay in qofna aanu kudoonayn xaalada coryaanimada ah,sidaa darteed ayay camale xidhiidhkoodii muda kala go,ay QAYBTII SADEXAAD EE SHEEKADA WAA OSMAN OO IDIN LEH ISMA DHAAFNO AKHYAARTA OSMAN User ID: 8464923 May 5th 12:04 PMKADIB MARKII CAMALE KAWAR HELAY: Kadib markii camale kawar helay, Camale oo kalsooni buuxda ku qabay yasmin ayaa waxa uu ku warhelay in dhaawac gaadhay yasmin kadibna lugi ka go,day. Camale waxa uu ugu yimid yasmin wadanka Emaratka carabta halkaas markuu yimid ayaa halkii lafilayey wax kale ayuu aabeheed waydiistay iyadoon kawarqabin,Kadibna waxay ku noqotay qof walba oo maqla wax mucjiso ah aabeheedna waxa uu u sheegay in yasmin ay u diiday nin isaga awgii markaa sidaas oo ah xaalada coryaanimadana uu ku doonayo. Yasmin markii uu lakulmay waxa uu ku yidhi waatii balanteenu ahayd in marxaladkastoo dhacda laysugu dulqaato goormaad is bedeshay ? Yasmin ilmo ayaa qoysay wejigeeda su,aasha oo ah mid aanay filanayn ayay ka qiirootay. Muda ka dib ayaa camalle qabanqaabiyay in uu la aqal galo yasmin Xafladii arooska oo ah mid dad weyne aad u fara badan oo isugu jira qaraabe saaxibayaal iyo dad xog ogaal u ahaa sheekada ay ka soo qayb galeen ayaa la istaagay sidii caada u ahaan jirtay aroosyada soomaalida si heeso luuq macaan loogu soo dhoweeyo caruuska iyo caruusada, laakiin maysan istaagi karayn yasmin waayo lug ayay coryaan ka ahayd, Camale intuu hoos u eegay ayuu kor u qaaday kadibna yasmin ilmo ayaa wejigeedii qoysay heer ay gaadho inay iskaantarooli kari waydo dareenka ka tenbadiyey awgeed waayo mayna filayn in waxani dhici doonaan marwalbana waxaa ay soo xusuusataa balantii ay hore u galeen. Xaflada arooska oo ay kasoo qayb galeen dad badan oo xog ogaal u ahaa ayaa markii ay arkeen meeshaas awaxa ka dhacay ayay sacab iyo mashxarad isugu dareen arintaas oo noqotay layaab.... ISKU DUBA RIDAHA SHEEKADA: Sheekadan waxaa isku soo duba riday Osman mohamoud Waxaan akhrisyaasha ugu bishaaraynayaa sheekooyin kale oo soo socda, markaa fadlan waxaan idinka codsanayaa wixii talo iyo tusaale noqon kara inaad ii soo dirtaan, sheekadani waa sambal (tusaale) aan ka soo guuriyay buug aan qoray oo isugu jira sheekooyinkii hore iyo madadaalo lakiin buugaas weli si rasmi ah umaan soo saarin OSMAN User ID: 8464923 May 5th 12:09 PMTO: Akhristayaasha dhamaan waad salaamantihiin akhristayaasha sharafta leh. Hadii aad xiisaynaysaan sheekooyin kale waxaa inoo balana syber-spaceka inaynu kawada socono. Lakiin waxaan idinka sugayaa jawaab. sidaa iyo jawaab wacan waa osman oo idin leh ISMA DHAAFNO: AxmedKeyse User ID: 7294893 May 5th 3:44 PMKu mahadsanid, waana aan la dhacay sheekadan fiction, ama dhacdo run ahba waxay tahayba. Oday hanaga hagran sheekooyinka kale ee aad heyso. waanu kaa dhur ugi Mdsanid faysal User ID: 0903294 May 6th 3:55 PMalaal cismaan mohammed sheriff User ID: 2268254 May 9th 4:50 PMTO,osman, walaal run ahaantii aad baad u mahadsantahay sheekada xiisaha badan oo aad noo soo gudbisay. and now we are waiting for an other story from you, thank you for telling us your wonderful story. si daa iyo is ma dhaafno saynab User ID: 0240854 May 10th 5:39 AMto: oSMAN WALAALO AAD BAAD U MAHAD SANTAHAY RUN AHAANTIINA ILMO AYAA IGA SOO BOODEY MARKAAN AQRIYEY SHEEKADA WAAYO WAA SHEEKO XIISA LEH UNA DHOW WELIBA RUN HADII AAN NIN KAA MAAN TA GARANAYONA ABAAL GUD BAAN SIIN LAHAA WAAYO WAA NIN LOO QUUDHO ABAAL GUD. WAAD NA KU MAHAD SANTAHAY SOONA QOR KUWA KALE WAAN LACONAYNAAA. ISMA DHAAFNO. Xiddig User ID: 7468553 May 13th 8:58 PMKu: Cisman & Akhristayaasha Waad salaamantihiin dhamaantiin; Walaal Cismaan waad ku mahadsanatahay sheekeeda quruxda badan ee aad nosoo qortay. TALO: Waxaa haboon inad isticmaashid calaamadaha loo adeegsado qoraalada sida calaamadaha looyaqaan "comma, colon, period (fulstop), quotations, and etc" kuwaas oo sheeka sifiican u kala habayn lahaa. ******************WA IGA TALO******************** Osman User ID: 9746563 May 14th 9:23 AMTo: xiddig & akhristayaasha. Waad salaamantihiin dhamaantiin: Musane xiddig aad baad ugu mahadsantahay talada waxku oolka ah aad ii soo gubisay,run ahaantii sheekada aan soo gudbiyay waxay ahayd sheeko dheer ,qoraalkeedana tix gelin wayn sidaas uma siin anigoo ku xisaabtamaya wakhtiga aan haysto oo qaali ah, iyo anigoo iska jeclaaday inaan walaahayga soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada usoo gudbiyo qoraalo jacayl oo madadaalo unoqon kara,Balse waxaan idinka balan qaadayaa inaan isku dayo inaan habeeyo sheekooyinka soo socda,oo aan adeegasado,Hababka iyo formatka wax loo qoro...waxaan kaloo idiin sheegayaa in aynu muda gaaban hawada iska waayidoono,hawlo waxbarasho oo ila soo gudboonaaday awgood... waxaa inoo balana hawada,iyo inaan halkaa kasoo wadi doono sheekooyinka ISMA DHAAFNO: asha maahat hussein User ID: 9517143 May 17th 5:36 PMmarka hore waad salamantaxaahay walaal maxa yelay waxad noo soo xasuusay waxa yalo Aan hilmamnay oo hadda nugu soo cusbonadaywalaal waad mahadsantahay SIDAS IYO NABAD KALYO OSMAN User ID: 2246984 May 31st 2:54 PMBISHAARO! Dhamaan akhristayaasha sharafta leh waxaan ugu bishaaraynayaa in aan dib ugu bilaabi doono sheekooyinkii jacaylka ahaa. waxaana si rasmni ah idiinku bilaabi doonaa 2/6/'00.. Sidaa iyo isma dhaafno luul User ID: 1982994 Jun 1st 11:15 AMosman waad ku mahatsan tahay shekada aad soo qortay marka an aqriyey waan oo yey maxa yelay qisada ad soo quray mid u dhaw aya e haysata hadan niga tabto wax yar 15sano ka hor aya is jeclen on dhibato badan isla marnay oo kadibna kala lunay hada ayan is helnay mudo 7bil dhibatada talo aniga waxaan ahay quf xaas ah asagna waa quf madax banan waxuna yirahda sidi ayan kuu jeclahay waxuu iga soo waca meel fug luul User ID: 1982994 Jun 1st 11:20 AMosman waad ku mahatsan tahay shekada aad soo qortay marka an aqriyey waan oo yey maxa yelay qisada ad soo quray mid u dhaw aya e haysata hadan niga tabto wax yar 15sano ka hor aya is jeclen on dhibato badan isla marnay oo kadibna kala lunay hada ayan is helnay mudo 7bil dhibatada talo aniga waxaan ahay quf xaas ah asagna waa quf madax banan waxuna yirahda sidi ayan kuu jeclahay waxuu iga soo waca meel fug OSMAN User ID: 0485244 Jun 1st 1:05 PMTo: luul Walaal ujeedada aan usoo qoray qoraaladan jacaylka ahi waxay ahayd laba mid. 1)inay dhalinyarada ama qof kastoo xiiseeya jacaylka u noqoto madadaalo 2)iyo in jiilka ama barbaarta soo koraysa in ay unoqoto tusaale fiican ay ku daydaan oo labadii qofee is doorta iskuna afgarta mustaqbal iyo inay nolosha wada qaysadaan galana balan (mucaahado) ay balanku tahay wax aad u wayn.. waayo ilaahay ayaa wuxuu yidhi ""awfuu bil cahdi inal cahda kaana mas uulan"" balanta oofiya balanta waa lays waydiinayaa maalinta kulanka oo ah maalinta qiyaame. Talo. Walaal waan gartay in aad wiil is jeclaydeen dagaaladii iyo jaahwareerkii wadanka ka dhacay idin kala geeyey laba meelood oo kala dheer,aydaana is calfan,markaa walaal maadaamo aad noqotay murwo oo aad nin kale is guursateen,Murwo wanaagsan noqo oo wiilkii balanku idin dhex marayna waxaad ku qancisaa inuu ku saamaxo oo walaaltinimo qiima badani idinka dhexayso waayo albaabka jacayku waa idinka xidhmay Adigana fudayd yaanu ku qaadinoo hays odhan marnaba jacaylkaagii hadaad heshid waxaad helaysaa nolol farxadeed ama guri farxadeed,ku ducayso in ilaahay gurigaaga iyo ninkaaga kuu hagaajiyo intaasi waa iga talo tasteexaad


Goortii wax laguu sheegaad wax garataa” baa afkeedii ka dhamaan waayay. Waxay xaqiiqda ula muuqatay mid fajac iyo la yaab ku beertay nolosheeda. Waxay ahayd kolkii ugu horeeysay oo ay maqasho ama ay aragto Soomaali GAAl ah.“Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban..waxay isutustay in ay barasho ugu laabneyd Hanad, waxayse aad uga xumaatey in haasawaheedii ugu horreeyay cishqigu uu noqday hal bacaad lagu lisay.Waxay ahayd fiidmino Khamiis ah, oo taariikdu  ahayd Kowdii Janaayo. Diyaar buu ahaa wuxuu sii qabsaday waddadii abbaareysay dhanka aqalka Indhodeeq, inanta ku reebtay jaceylkaan. Shacni iyo wanaag aan la xisaabi karin baa ka muuqatay wejiga Hanad. Illinkii goortuu isasii taagay buu qun yar gaaracis uga dhaqaaqay. Durbadiiba waxaa ka furtay Kaafiyo oo ku sugeeysay daaradii aqalka. Salaan gaaban kadib, baa la fadhiisiyay barsadii aqalka barsadiisa kuraas tiilay. Waxay soo saartay sharaab qaboob oo ay ugu sii talo gashay. In qadar ah kolkii la aamusnaa, labadooduna qofba uu qofka kale ka warsugayo, ayaa Kaafiyo hadalkii furtay oo tiri.                    “Hanadow, waad soo dheeraatay  caawa?.”                                    Intuu eegay hareerihiisa si qaab lehna u fadhiistay oo isgeesinnimo geliyay, buu qooransaday dhankii ay fadhiday oo yiri;         “Kaafiyow, Soomaalida waxay tiraahdaa; barasho horteed ha i nicin, waxaan filiyaa in aynu in muddo ah is naqaanay, waxaanse sii jeclaan lahaa inaan barashadeenu ay noqoto mid loo aayo….” Weerahii macaanaa ee uu ku yiri, ayaa yara beer qaaday.  Kaafiyo,iyadoon jawaab bixin, bay is horkeentay wixii laga sheegayay. Cabaar bay dhabannada qabsatay, waxayse goor dambe iska baartay calool adeeg oo ugu jawaabtay, “Ma xumo ra’yigaad soo jeedisay, balse waxaa jirta wax la yiraa ka helis, marka abboowe aad ayaan ugu xumahay in annaan kaa helin, anigoo kugu riixayn wax dhaliil ah, waxaanse ila qurxoon in ay noo joogto booskii shalay aan isku baranay ee ahaa wlaaltinimo.  Jawaabtii baa si lama filaan ah u damqisay laabtiisa. Dabcan, kama uusan fileyn diidmada ka soo yeedhay afkeeda. Wuxuu iska dayay inuu dareensiiyo heerka uu utaagan yahay iyo ula jeedadiisu halka ay tahay. Hase yeeshe, wax weliba uu sheegay habeenkaa waxbo waa u suuroobi waayeen. Nasiib darro, waxay soo istaagtay Kaafiyo diidmo aan dib noqosho lahayn.**** **** **** ****  Ardeyda badi iyo indheer garadka waayuhu waxay illa iyo haatan la yaaban yihiin, sidii wada hadal u dhexmaray Daruuro iyo Xasan, sababta dhalisay hasaawe ku saleysan shukaansi. Si walba hor timaado’e haasaawe ku saleysan heehaabayay hawada, wuxuu ahaa mid Labada geesood lala dhacsanaa, sitayna xamaasad iyo xiiso gaar ha, kuna dhamaanayey jawi farxaddeed. Laakiin, wax qabad la’aantii Daruura ayaa ku reebtay boog uu ka bogsan waayay oo xitaa sababta inuu u dhinta. Wuxuu u qoray waraaqo jaceyl ah, in kabadan boqol waraaqadood uuna jawaab ka helin gacalisadiisa. Waxaana ka mid ahayd  dhanbaalada jaceyl ee ugu dambeeyay intuusan Xasan Subkade dhiman.  KU: Durdurkii Nolosha (Daruuro)Salaan aan ku qiyaasay in ay ku dhantahay qaddarin iyo xubi gaar ah ee iga hano. Waa warqadii 89aad ee aan ku soo qoro, balse qoraalkaniwuu ka dheer yahay kuwii hore waa dood dhex martay aniga iyo naftayda, kadib markii aynu xajin waynay laxawga iyo dareenka jaceylka oo marba marka xigo nagu sii siyaaday. Taas oo aan goosannay aniga iyo nafteyda in aan wadajir ku soo bandhigno waxa na gubaya har iyo habeen Daruuroy.Waxaan ku iri nafteydii; “Nafteydaay wax ila garo gocoshada ka faalood, gu’yaal hore waxaa jiray cadale iyo googaa, malaha waa af garashe, iga gunud fariimaha, gabal dhac iyo waaberi goormaynu joognaa, gacmaheyga labada teebaa garoowsho leh. Dhibkaan igu gunduudsaday miyaad garatay meeshey god dalooladey tahay, mase waxaad u garatay inaan kugu gadaan gaday.”Waxay nafteydii jawaab iga dhigtay; “Gocoshada la faallee, garashada laqoondee, aadmiga wixii guba farta wuu ku godi jirey. Laba gu’ iyo dheeraad dhulkaan baad garaacdaa, anna way guhaadaa, ii diiday gama’ii. Gabal dhac iyo waaberi waad igu gal-galataa. Geed miro ku yaalaan, haddaadan laaca gaareyn, go’aankiisa ruux lihi haddaanu ku garaabeyn, igadaa gil-gilashada illa garatay xaajadee. daqiiqado baa oogadu idil illa ololshay, uukuna ka ilmeyay, waxaansu mar dambe ku iri nafteydii, "Xalay waad gami waayay gogoshaan gaban waayay, galgalada baan ku jiray, garashadeyda sabooshaay u gudbuuxi lahaa. Gantaallaha igu yaalaan in aad qaar iga gooyso gacalooy fillaayay ha gandoodo miyaa"Waligeedba adduunka walbahaar lama waayo,                             Xumahiyo wanaaga isla jiida  wadaanto,                                            Qofna weey wadwadaayoo ayaameey wilcisaa,                                  Qofna weey warfisaayo wareerbey ku riddaa                                      Isla weyni ma fiicnee waxyeelleey tirmisaa,                                   Farteeydiyo wadnaha waxaa garaacay ogsoon,                       Walbahaarka nafteeydiyo, hay weeydiin dhibaheedaKa timid: Xasan Subkadehaddaba buuggaan Uurka Taallo Jaceyl, waa dhacdo dhab ah. kana hadlayso jaceylka dhibtiisa, waxay isugu jirtaa maad iyo masayr, fekir iyo  naxdin joogta, geeri iyo fillan waa, iyo weli xitta mucjiso la yaab leh oo wagaas dhalinta gaarkood lagu tilmaami jiray inay diinta Islaam ka baxeen oo baadarigii Talyaaniga u qeybin jiray Mootooyinka. Waa qiso cajiib ah ee ha u daymo la'aan. haddii aad dooneysid waxaad ka dalban kartaa halkaan dalbo@qurbojaceyl.com ama aad where to pay kadib guji. haddii aad dooneysid inaad la xiriirto qoraaga buuggaan Cabdixakiim Aadan Baarri u soo e-maylgarey baarii@yours.com